Saturday, May 30, 2020

Inta aan ka aqaan Awoowe Macalin Cumar Abukar Maxamed

Allah ha unaxariisto Macalin Cumar Abukar Maxamed mid ka mid ah tobabareyashi ugu cajaa'ib sana ee so mara Isboortiska Soomaliya ayaa maalinti Jimcaha taarikhda ku beegneyd 29 May 2020 ku geeriyooday Magalada Muqdisho.

Waa Macalin Cumar waagi Talyaaniga Jogeyn Dalka sawirkan waxa la qaadey 07 February 1955 
Macalin Cumar waxa uu ku dhashtay Magaalada Mugdisho Sanadkii 1926 waxa u na  ahaan jiray Sarkaal Ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaliyeed isaga oo kaso qeyb qaatay Dagaaladi u dhaxeeye Soomaliya iyo Itoobiya 1964 iyo 1977.
Waagi hore ciidan booliska waxa lo ogalaan jiray inay shaqadooda boolisnimo ay ku darsadaan xirfado kale maadama wadanka amni isaka ahaan jiray ayna yareyd dadka bixiyo adeeyada farsamada isago markaas ka shaqeyn jiray mikaaniko iyo dheelista Kubadda Cagta.

Macalin Cumar yaraantisa waxa u jecla dheelista kubada cagta 1951 waxay u aheyd marki ugu horeysay oo garoon uso galay waxaa na garoon u galay Degamada Xamarweyne marki dambe na waxa u ka mid noqdey Kooxdi Booliska ee Seria A da  waxaa macalin u ahaa tobabare u dhashay wadanka Talyaaniga uu magaciisa ahaa Cobasiyoni.
Macalin Cumar waagi u dheelaye Kooxda Booliska 1962 Stadium Coonis
Macalin Cumar Naadiga Booliska waxa u ka dhax muuqan jiray farsamadisa oo aad lo jecla waxa uuna laha taagero aad uso camiri jiray garoonka maalinti uu ciyaareyo.
1961 waxa lo magacaabey Xulki qaranka soomaliya nasiib daro dhaawac ayaa ka reebay xulkaas waxaa na soo gaarey dhaawac weyn oo xulkaan kaga qeyb gali waaye.
Markale waxa loga yeeray Xulka Qaranka ciyaaro ka hortageyn dalka Suudan Soomaliya ayaa ku badisay 3-0 waxayna aheyd guul aad loso wada dhaweeye.
waa xulki booliska sanaddi  60-67 inta u dhaxeysay sawirka waxa kaga jira dhanka geeska waana qofka calameysan sawirkan waxa kalo ku jiro Ducaale allah u naxariisto oo goor dhaweyd ku geeriyodey Dalka Yamen oo Koobka haaayo iyo goolyahaha  Jeylani Sharif sido kalae waxa ka mid ah Killer.

Macalin Cumar waxa 1968 waxa uu ka fadhiistay Kubada Cagta waxaana u noqday Macalinki 2aad ee kooxda Boolista, Degmooyinka Macalin uso noqday waxa ka mid ah
Degmada Wardhiigley 1970
Degmada Xamarweyne 1971
Degmada Wadajir 1973 sido kale waxa u tababare uso noqday Kooxdi Batroolka
Macalin Cumar oo markaan ahaa Tababare ee Kooxda Batrooka iyaga ciyaar u aadeyn Magaalada Jowhar
Guulaha uu gaarey waxa ka mid aha 1985 waxa u kuguuleystay Koobi Janeral Da'ud, 1987 waxa u keenay Final Koobki Janeral Da'ud,isla 1987 kooxdi Batroolka waxay ka qeyb gashey koobki Cecafa ee Naadiyadda meel fican ayuu Naadiga Gaasiyey.
Macalin Cumar oo Hogaaminaye Naadiga Batroolka waana finalka isugu so hareen Naadiga Horseed 1982 Waana Stadium Mogadishu
1982 waxaa loo magacaabey Macalinka Xulka Qaranka ee Soomaaliya waxa una gaarsiye meel fican.


Dagaaladi sokeeye marka bilawdeyn waxa u ahaa qof ku shaqeysta xirfadiisa, waxaana u tababari jiray dhalinyaradi degamada Darkheynley oo u ahaa deegankisa. isago oo so saarey dhalinyaro faro badan oo magac ka sameeyen Isboortiska Soomaliya.
dhawaanahan dambe ayaa haaye xanuun xaga jilbaha isago mar dhaweyd inti lagu jiray sanadki 2020 la geeye Dalka Turkiga
Waa sawiradi ugu dambeye laga qaadey marki u joogey turkiga 2020

Allah ha unaxariisto Macalin Cumar oo ahaa Shaqsi ahaan qof af gaaban oo ahlu diina ahaa waxa allah ugu baryeya inu qabrigiisa ilaah u waasiciyo Janadi Fardoosa allah ka waraabsho amiin.



No comments:

Post a Comment