Waa Macalin Cumar waagi Talyaaniga Jogeyn Dalka sawirkan waxa la qaadey 07 February 1955 |
Waagi hore ciidan booliska waxa lo ogalaan jiray inay shaqadooda boolisnimo ay ku darsadaan xirfado kale maadama wadanka amni isaka ahaan jiray ayna yareyd dadka bixiyo adeeyada farsamada isago markaas ka shaqeyn jiray mikaaniko iyo dheelista Kubadda Cagta.
Macalin Cumar yaraantisa waxa u jecla dheelista kubada cagta 1951 waxay u aheyd marki ugu horeysay oo garoon uso galay waxaa na garoon u galay Degamada Xamarweyne marki dambe na waxa u ka mid noqdey Kooxdi Booliska ee Seria A da waxaa macalin u ahaa tobabare u dhashay wadanka Talyaaniga uu magaciisa ahaa Cobasiyoni.
Macalin Cumar waagi u dheelaye Kooxda Booliska 1962 Stadium Coonis |
1961 waxa lo magacaabey Xulki qaranka soomaliya nasiib daro dhaawac ayaa ka reebay xulkaas waxaa na soo gaarey dhaawac weyn oo xulkaan kaga qeyb gali waaye.
Markale waxa loga yeeray Xulka Qaranka ciyaaro ka hortageyn dalka Suudan Soomaliya ayaa ku badisay 3-0 waxayna aheyd guul aad loso wada dhaweeye.
Degmada Wardhiigley 1970
Degmada Xamarweyne 1971
Degmada Wadajir 1973 sido kale waxa u tababare uso noqday Kooxdi Batroolka
Macalin Cumar oo markaan ahaa Tababare ee Kooxda Batrooka iyaga ciyaar u aadeyn Magaalada Jowhar |
Macalin Cumar oo Hogaaminaye Naadiga Batroolka waana finalka isugu so hareen Naadiga Horseed 1982 Waana Stadium Mogadishu |
Dagaaladi sokeeye marka bilawdeyn waxa u ahaa qof ku shaqeysta xirfadiisa, waxaana u tababari jiray dhalinyaradi degamada Darkheynley oo u ahaa deegankisa. isago oo so saarey dhalinyaro faro badan oo magac ka sameeyen Isboortiska Soomaliya.
dhawaanahan dambe ayaa haaye xanuun xaga jilbaha isago mar dhaweyd inti lagu jiray sanadki 2020 la geeye Dalka Turkiga
Waa sawiradi ugu dambeye laga qaadey marki u joogey turkiga 2020 |